Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka koonfur Afrika

0

Warar ka imaanaya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay sheegayaan in xalay muwaadiniin soomaaliyeed dil iyo dhaawac loo geeystay gudaha dalkaasi

Kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa la sheegay in weerar xoogan ay ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin soomaali ah

Dilka Muwaadiniinta soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay magaalada cape town ee dalkaas koonfur afrika

Ilaa iyo afar muwaadin ayaana la sheegay in lagu dilay weerarka burcadu xalay ugeysatay muwaadininta soomaaliyeed

Qof ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsata dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in laba wiil oo soomaaliya ay dhinteen laba kana ay dhawacmeen

Waxaana wiilasha dhintay magacyadooda uu ku sheegay Khaliif iyo Goobe

Ciidamada booliska dalkaasi koonfur afrika ayaa waxa la sheegay daqiiqado kadib ay gaareen goobta uu weerarku ka dhacay oo aheyd dukaamo ay laahaayeen muwaadiniin soomaaliyeed oo kuyaalay aag khaliijka

Waxaana halkaas boolisku ay ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah mana jirto cid loo soo qabtay falka lagu dilay wiilasha soomaaliyeed ee ku ganacsanayay dalkaasi koonfur afrika

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here