Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Ciidamo Kenyaati ah

0

Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka waqooyi bari dalka ayaa waxa ay sheegayaan in weerar xoogan lagu qaaday  saldhig ciidamada kenya ay ku layaaheen deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari dalka kenaya

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidanka kenya ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo afcad oo hoostaga magaalada wajeer ee gobolka waqooyi bari

wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro iska hor,imaad culus oo dhexmaray ciidamada kenya iyo dagaalamayaasha al-shabaab

Waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo  iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaan iyagoo sheegtay masuuliyada weerar lala eegtay ciidanka kenya

al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca baraha ay ku leeyihiin interneetka waxa ay ku sheegteen in qasaare xoogleh ay gaarsiiyeen ciidanka kenya islamarkaasna  weerarkaan ay ku dileen 4 askari oo kenyaati ah

waxaana ay intaasi ku dareen in sidookale ay hub fuduud kasoo furteen ciidanka kenya oo ay ka mid ahaayeen sadax qori oo AK47 ah

majirto wax wara oo kasoo baxay dowladda kenya iyo kan maamulka degmada wajeer oo looga hadlayo ciidmada kenyaan ka ah ee la sheegay in weerarka lagu dilay

inta badan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa  weeraro  la beegsada  fariisimaha ciidamada kenya ay ku leeyihiin xuduudka ay wadaagaan soomaalia iyo kenya

waxaana weerarada ugu badan ciidamada kenya lala eegtaa marka ay socdaalayaan xliyada qaarna toos ayaa weerar ay ula beegsadaan al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here