Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Kula Wareegay Deegaanka Ka Tirsan Gobolka Hiiran

0

Ciidamada xoogga dalka Qeyta 27-aad ayaa Howlgallo ballaaran oo maalimihii la soo dhaafay ay ka wadeen gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kula wareegay degaano dhowr ah oo ay sugnaayeen xubno dagaalamayaasha ee Al-Shabaab

Deegaanka ciidamada Dowladda ay howlgalada kula wareegeen
Waxaa ka mid ah Coomaad iyo madhooy oo dhamaantood Hoostaga Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim {Baakaay} ayaa ciidanku ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaana sheegay in guulo waaweyn laga gaaray howlgalka.

Howlgalada ayaana la tilmaamay in ay ahaayeen kuwo lagu Xaqiijinayo Amaanka islamarkaasna lagu dardargalinyo dagaalo ka dhan ah al-shabaab

Iyadoo war kasoo baxay dowladda lagu sheegay in howlgalka ay ka qeyb qaadanaya oo saraakiisha ku wehliya masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here