warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxaya nin sheikh ah oo xalay lagu dilay gudaha magalaada gaalkacyo ee xarunta gobolka galgaduud
Rag Hubeydsan ayaa xalay sheikhaan oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cali Axmed Faarax sheikh cali dheere kala baxay hoygiisa oo ku yaal deegaanka xaarxaar iyadoo saaacado ka dib lasoo wariyay in la dilay
sheikha ayaa waxa la sheegay in uu gaalkacyo ku lahaa xarun caruurta agoonta ah wax lagu baro ,waxaana la sheegay in maalmihii dambe uu ku mashquulsanaa ciidsiinta caruurta balse xalay fiidki ayaa rag hubeysan ay dileen
lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka sheikha balse wararka ayaa sheegaya in la tuhunsanyahay in ay dileen rag ay cilaaqaadka ka dhexeyeen
lamaha amniga maamulada galmudug iyo puntland oo dhawaanahaan ay ka dhaxaysay wada shaqeyn fiican ayaa waxa la sheegay in halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan ragii dilkaasi ka dambeeyay

