Ra’iisal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed, hambalyo diirran u dirayaa Dhallinyarada Soomaalliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Maanta waxaa la xusayaa sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
78 sano ka hor, ayay 13 dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed aasaaseen urrukii SYL oo doorka ugu weyn ku lahaa in dalkeennu hanto xornimada aan maanta harsaneyno.
Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday waxa ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni. Waxay kaloo dunida iyo dadka Soomaaliyeedba bareen awoodda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sida ay guulaha uga soo hoyn karaan dhinac walba, markii laga helo daacadnimo iyo isku duubni.
Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro.
Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimmadda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siineysaa horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qeybgalkooda dhinacyada kala duwan ee nolosha, si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.
Da’ yarta Soomaaliyeed hablo iyo wiilalba waxaan ku boorrinayaa in ay kaalintooda qaataan, isku duubnaadaan oo dhexda u xirtaan sidii aan dalkeenna uga saari lahayn marxaladda adag ee uu marayo.

