Ciidamada dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgalo qorsheysan Ka Fuliyay deegaano Hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen ku lagu burburinayay xarumo dagaalamayaasha al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka raqeyle iyo deegaano kala oo ka tirsan awdheegle
Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan Hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in inta ay howlgaladu socdeen ciidamada dowladdu ay ku guuleystaan in ay mid mid u galaan guryahayo iyo maxkamado al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka raqeyle islamarkaasna waxa ay tilmaameen in dhamaan guryaha la burburiyay
waxaana ay saraakiisha dowladdu intaasi ku dareen in ciidamada dowladda ay goobahaasi kasoo saareen waxyaabaha qarxa oo al-shabaab ay halkaasi ku diyaariyeen islamarkaasna ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose
Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka fulinayaan deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose ,waxaana ay dhowr jeer oo hore guulo ka sheegteen howlgalo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaano hoostaga deegaanka bariire iyo degmada awdheegle

