Dowladda kenya Oo Xayiraad Kusoo Rogtay Diyaaradaha Uga imaanaya Soomaaliya

0

Dowladda kenya ayaa waxa ay shaacisay in aysan jirin wax  diyaarad ah oo uga imaankara dhanka soomaaliya iyadoo dhanka kale uga digtay in diyaaradaha dalka kenya laga leeyahay ay tagaan gudaha soomaaliya

war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kenya ayaa waxa lagu amray diyaaradaha kenaya ee ka shaqeya soomaaliya in ay ku xaroodan oo ay joogaan magaalada nairobi

waxaana la tilmaamay in arintaan kenaya ay kaga jawaabeyso talaabadii dowladda soomaaliya ay ku diiday qaadkii ka imaan jiray dalka kenya

kenya ayaana qoraalkeeda ku sheegtay in ilaa bisha 8 ee sanadkaan aysan jirin wax duulimaad ah oo ka socda soomaaliya oo imaanka soomaaliya

dowladda  kenaya ayaana ka usoo tabaabusheysatay in si qasab ah   soomaaliya ay u aqbasho in qaadka kenaya ay fasaxdo

diyaarado qaad siday oo kasoo kicitimay dalka kenya ayaa la sheegay in saacadiihii aan soo dhaafnay laga celiyay hawada soomaaliya ,islamarkaasna dowladda soomaaliya ay soo saartay war kusaabsan arintaasi oo ay sheegtay in wali uusan jirin wax wada hadal ah oo soomaaliya iyo kenaya ay ka yeesheen arinta qaadka sidaasdarteena uu wali xayiraad saarantahay qaadkii kenya ee imaanjiray soomaaliya

Ganacsatada dalka kenya ee qaadka ayaa waxa ay sheegeen in markii uu soo laabtay xiriirka soomaaliya iyo kenya ay filayeen in qaadka uu furmay balse  dowladda  soomaaliya ayaa si lama filaan ah u diiday in qaadka kenya la keeno soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here