Madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa waxa la filayaa in maatay uu safar ugu ambabaxo magaalada kambaala caasimada dalka uganda
Ujeedka Safarka madaxweyne farmaajo uu maanta ku tagayo dalka uganda ayaa ah in madaxweynuhu uu ka qeyb galayo caleemasaarka madaxweynaha markale la doortay ee dalka uganda yuwaari musavani
war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka uganda ayaa waxa lagu sheegay in casuumaad loo fidiyay 42 iyo laba madaxweyne si ay uga qeybgalaan munaasabada caleemasaarka madaxweynaha wadanka uganda
waxaana la tilmaamay in madaxweyne farmaajo uu ka mid ahay madaxweynayaasha afrikaan ka ah ee casuumaada uu ufidiyay madaxweynaha dalka uganda
Madaxweynaha dalka uganda oo marakale dib loo doortay ayaa jagada madaxweynanimo ee dalkaas qabtay sanadkii 1986 waxaana uu hada talada dalka hayaa muddo 35 sano ah
isagoo la doortay markiisii ugu dambeysay 14 bishii janaayo ee sanadkaan taasi oo noqoneysa markii 6 oo xariir ah oo uu madaxweynaha yuwari musevani uu ku guuleysanayo madaxtinimada dalka uganda

