rag hubeysan ayaa xalay waxa ay magaalada muqdisho ku dileen abuukaate ka tirsan wasaarada cadaalada xukuumada faderaalka soomaaliya
dilka ayaa waxa uu ka dhacay xaafada taleex ee degmada hodan ,waxaana geeystay dilka rag bastoolado ku hubeysan oo marxuunka rasaas ku furay
abuukaataha la dilay ayaa waxa lagu magacaabijiray alaha unaxariistee abdulaahi maxamed cabdi iyadoo la tilmaamay in xabaduhu ay uga dheceen qeybaha kore ee jirka taasina ay keentay in goobta uu ku geeriyoodo
ciidamo ka tirsan kuwa booliska dalka ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu dilku ka dhacay ,waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano kala duwan oo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dilka abuukaataha
qoraal kasoo baxay wasaarada cadaalada ayaa waxa tacsi loogu diray dhamaan qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay marxuunka

