warar aan ka helayno deegaano ka tirsan maamulka koonfurgalbeed ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaal xoogan oo udhexeya ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed uu kasocdo gudaha magaalada beydhabo
Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig magaalada beydhabo
Waxaana la soo warinayaan in halkaasi uu ka qarxay dagaal qaraar oo muddo saacado ah socda wali aan joogsan
Dadka deegaanka ayaa idaacada simba u sheegay in ay maqlayaan jugta iyo rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan balse aysan si dhab ah u xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan ka bilowday gudaha magaalada beydhabo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka koonfur galbeed
Wali majirto jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur galbeed kaasi oo looga hadlayo daagaal ka socda magaalada beydhabo sidookale dhanka dagaalamayaasha al-shabaab oo iyagu weerarkaan ay soo qaadeen xubno ka tirsan
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

