Qof Shacab ah Oo Maanta Lagu Dilay Xaafad ka Tirsan Muqdisho

0

Barqanimadii maanta  ayaa waxaa xaafada carwo itko ee degmada warta nabada lagu dilay nin oday ah oo  ka xeenayay gaari nuuca raaxada ah

wararka  ayaa sheegaya in dilka darawaalkaan uu yimid kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu xabad ku dhuftay isagoo gaarigiisa saaran

ninka odayga ah ee la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Cismaan Nuur Geed

Waxaana la sheegay in dilka kadib uu goobta iskaga baxsaday askarigii dilka ka geeystay iyadoona lasoo warinayo in ciidama farabadan oo ka tirsan dowladda ay isku gadaameen goobta uu dilku ka dhacay

waxaana dad goob joogayaal ah ayaa sheegeen in ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala duwan oo  ay ku baadigoobayaan askariigii dilkaas ka dambeeyay iyagoona halkaas ka qaaday maydka marxuunka la dilay

lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay darawalka balse waxaa la tilmaamay in askarigu uu gaariga joojiyay daqiiqay kadibna la maqlay dhawaqa rasasta lagu dilay marxuunka

inta badan magaalada magaalada muqdisho ayaa waxa ka dhaca dilaal qorsheysan iyo kuwa si bareer ah ay u geeystaan kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn

sidookale  Askarta dowladda ayaa mar marka qaar dil u geeysta darawalada iyo dhalinyarada ka xeeysa mooto bajaajta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here