Dab Khasaare Geeystay Oo Ka kacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

0

Dabkaan ayaa waxa uu xalay ka kacay xaafada jiira garoob ee degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir,waxaana la sheegay in dabkaan uu geeystay qasaare hantiyadeed lamana soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhshay dabkaasi

wararka ayaa sheegaya in dabkaan uu ka dhashay fiilooyin koronta islamarkaasna uu qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalay xaafada jeero garoob intaasi kadibna waxaa la sheegay in uu dabku sii xoogeeystay oo uu ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo kuyaalay halkaasi

qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in lagu guuleeystay in dabka ladamiyo balse ee qasaare badan ka dhashay islamarkaasna ay ku basbeeleen guryo iyo goobo ganacsi oo kuyaal xaafada jiiro garoob ee degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir

inta badan xaafdaha kuyaal magaalada muqdisho ayaa waxaa qabsada dab kuwaasi oo ka dhashay fiilooyinka korontada ee wadooyinka dadsan iyadoona dhowr jeer ay soo laablaabteen dabbabka ka kaca muqdisho kuwaasi oo qasaare u geeysta hantida shacabka ku dhaqan muqdisho

sidookale waxa jirta in marka uu dabku koco aan horay laga helin adeega dab damiska taasi oo keenta in badku uu qasaare badan geeysto

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here