Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weeraro qasaare geystay oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa maamulka koonfur galbeed
Weerara oo laba ahaa ayaa waxa saacadiihii lasoo dhaafay ay ka kala dheceen duleedka magaalada muqdisho iyo deegaan ka tirsan magalaada beydhabo
Waxaana la sheegay in weeraradaan qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Weeradadaani waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidmada dowladda kuwa maamulka koonfur galbeed iyo ciidamada amisom
Warar al-Shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarka koowaad ay ku qaadeen kontrool cabdi shiraay oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiisha dowlad goboleedka koonfur galbeed
Halka weerar ka labaad ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhig ciidamada amisom ay ku lahaayeen deegaanka arbacoow ceelashabiyaha ee gobolka shabeelaha hoose
Waxaana al-shabaab weeraradaasi ay sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda iyo askar ka tirsan amisom
Balse al-shabaab macadeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi
Inta badan deegaanada dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca weeraro lala beegsado saldhigyada ciidmada dowladda iyo kuwa amisom
Waxaana weeraradaasi guulo ka sheegta dagaalamayaasha al-shabaab

