Wararka aan ka helayno degmada hodan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada milatariga ah ee kasoo horjeeda muddo kordhinta dowladda ay aag cusub ka sameysteen xaafad ka tirsan degmada hodan
Ciidamadaan oo watay gawaarida gaashaaman dagaal ayaa waxa la sheegay in ay u guureen xaafada siigaale ee degmada hodan halkaasi oo ay ka sameysteen dhufeysyo cusub
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafada siigaale ayaana la sheegay in ay bilaabeen in ay iskaga Barakacaan
Waxaana ay sheegeen in cabsi xoogan ay soo foodsaartay oo ay ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo
Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeeysaa xili saacadiihii lasoo dhaafay ay xaalada muqdisho ay daganeyd balse ay jireen dhaqdhaqaaqyo ay wadeen ciidamada muddo kordhinta ka gadoodsan iyo ciidamada dowladda
Waxaana ay wararku sheegayaan in ciidamada taabansan xubnaha mucaaradku ay sameynayaan dhufeysyo waaweyn oo ay doonayaan in ay isku difaacaan hadii ay weerar kala kulmaan ciidamada dowladda
Xaalada haatan waa ay dagantahay mana jirto wax saan saan dagaal ah balse wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradka ay iyagu haatan goobo cusub u ruqaansadeen taasi oo lagu macneeyay in ay wadaan isbalaarin

