Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan muqdisho ayaa bilaabay in ay iskaga barakaacaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada muqdisho
Dadka barakaca sameenayay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen in ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ay qorsheynayaan in ay dagaalamaan islamarkaasna ay naftooda la aadayaan goobo nabdoon
qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafado ka tirsan degmada howlwadaag oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa ay sheegeen in lagu amray in ay iskaga guuraan halkaasi islamarkaasna la tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradku ay wadaan abaabul dagaal
dadka ayaa waxa ay inoo sheegeen in dadka degan xaafada tookiyo ee degmada howlwadaag ay ciidanka dowladdu si cad ugu sheegeen in ay si ugu dhaqsiayaha badan halkaasi ay iskag baxaan
wararka ayaa sheegaya in haatan laga baqdin qabo in markale ay bilowdaan dagaalo sokeeye oo dhibaato horleh u horseedeysa dadka shacabka ah oo iyagu lagu dul dagaalamayo
dagaalo qasaaro badan dhaliyay ayaa waxa ay labo maalin ka hor waxa uu ciidamada dowladda iyo kuwa milataria ah oo ka gadoodsan muddo kordhinta dowladda
warar hoose ayaa sheegaya in labada dhinac ay abaabulo kala duwan wadaan islamarkaasna waxaa walwal xoogan laga muujinaya xaalada iyo sida saakay ay wax usocdaan

