Bananbaxyo Looga Horjeedo Dowladda Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Dad shacab ah ayaa xalay iskugu soo baxay xaafado ka tirsan degmooyinka qaar ee gobolka banaadir waxaana dadkaasi ay dhigayeen banan baxyo ay ka hor imaanayaan madaxweyne farmaajo iyo dowladda uu hogaamiyo

Dadkaan isku soo baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqay erayo ka dhan ah dowladda sida  hadhaco madaxweyne farmaajo iyo kuwa kale

Degmooyinka yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah wartanabada iyo degmada hodan ayay banan baxayadu ka dhaceen waxaana looga soo horjeeday muddo kordhinta dowladda iyagoona dadku dalbanayay in madaxweyne farmaajo uu baneeyo xilka madaxweynaha

Bananbaxaya ayaa ahaa kuwa rabshada wata , iyagoona dadku ay ku hadaaqayeen erayo  ay ku af lagaadeeynayaan dowladda  uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa xalay xaafada xararyaale ee degmada wartanabada dad banan baxayay ku kala iryay baxabad kadib markii ay udhawaadeen oo fariisin u ah ciidanka dowladda

Banan baxyadaan ayaa waxa ay imaanayaan xili maalmihii dambe ay kacsanadeyd  xaalada muqdisho islamarkaasna ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo dagaalo kasii horeeyay

maanta ayay dadku mar kale wadnaha farta ku hayaan iyagoo ka cabsi qaba dagaal in uu qarxo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here