Mareykanka Oo Soo Celiyay Saraakiil Ciidan Oo Uu Horay Ugala Baxay Soomaaliya

0

Dowladda mareykanka ayaa dib usoo celisay saraakiil ciidamada mareykanka oo tababaro siin jiray ciidanka xooga dalka kuwaas oo uu kala baxay gudaha soomaaliya

saraakishaan ayaa ku baxay amar uu bixiyay madaxweynihii hore ee mareykanka donald trump ayaa hataan ugu loo gu soo celiyay xerada tabatabarada ciidamada kumaandoosta dalka ee danab oo ku taal saldhiga bali doogle

waxaana la sheegay in saraakiishu ay halkooda kasii wadi doonan tababarada iyo dib u dhiska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed

Saraakiisha mareykanka ee ku sugan saldhiga bali doogle ayaa la sheegay in ay bilaabayaan tababaro badan oo ciidanka maadaama muddooyinkii dambe uu hakad ku jiray

dowladda mareykanka ayaa iyadu waxa ay sheegtay in mar walba ay garabtaagantahay soomaaliya ay ka caawineyso dhan kasta gaar ahaana dhanka tababarada ciidanka iyo qalabeyn tooda

mareykanka ayaa ka mid ah dowladdo  dhowr ah oo tababaro siiyo ciidanka soomaaliya ,waxaana uu fariisin ama xero weyn ku leeyahay garoonka bali doogle ee gobolka shabeelaha hoose

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here