Maamulka Soomaaliland ayaa Ciidamo Farabadan kala dhaxdhigtay beelo walaalo ah oo diriir ku dhexmartay deegaano ka tirsan gobolka sool
Ciidamada Soomaaliland oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa lagu arkayay deegaanka Dhabar-Dalool ee degmada Xudub ee gobolka Sool Halkaas oo maalmihii dambe ay beeluhu isku dagaalayeen islamarkaasna ay qasaaro fara badan iskugu geeysteen
Colaada labadaan beelood ayaa waxa ay tahay mid salka ku heysa dhul daaqsimeed iyo ceelal biyoodyo ay isku heystaan labada beelood iyagoona maleeshiyo kala taabacsan ay isku horfadhiyaan deegaanka dhabar dalool ee gobolka sool
madaxweynaha soomaaliland ayaa horay ugu dhawaaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaada kasocota gobolka sool islamarkaasna si ugu dhaqsiyaha badan hlkaasi loo geeyo ciidamo la kala dhaxdhigo labada maleeshiyo beeleed
Guddoomiyaha Goblka Sool Cabdiqani Maxamuud Jirre ayaa dhankiisa qeyb weyn ka qaadanaya joojinta colaada iyadoo uu iskugu yeeray odayaasha beelahaasi si xal looga gaaro arintaasi
colaada beelaha ayaa inta badan kusoo laablaabadata gobolka sool iyadoona maamulka soomaaliland uu haatan qaaday talaabo lagu joojinayo dhiiga macnadarada ay iskaga daadinayaan beelaha dagan deegaanka dhabar -dalool ee gobolka sool

