Taliska ciidanka Guutada 5aad Q-27aad ee ciidanka Dhulka XDS ayaa hawlgalo Burburin ah ka sameeyey degaanada Baar, jaambayrow, iyo caloolacad, magaaladda Baladweyn ee Gobolka Hiiraan,
Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad Q-27aad Ciidanka Dhulka XDS ayaa ujeedkiisu ahaa Burburinta goobahafariisin u aheyd dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana la sheegay in Ciidanku ay guri guri u baadheen guryihii ku yaalay degaankaas.
Intii lagu guda jiray baritaanka ciidanku waxa ay sheegeen in ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goob ay lahaayeen al-shabaab islamarkaasna ay ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka iyagoo sheegay in ka baxsaday goobta markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqa ciidanka.
Hawlgalkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa hawlgalo ka dhanka dagaalamayaasha alshabaab oo wali ka soconaya qaybo ka mid Deegaanada Gobolka Hiiraan.

