Maamulka Koonfur Galbeeg Oo Dad U Xiray Laba Caruur ah Oo Lagu Dilay Beydhabo

0

Wasaarada cadaalada iyo garsoorka maamulka koonfur galbeed ayaa ka warbixisay  halka uu marayo kiiska laba caruur ah oo lagu dilay duleedka magalaada beydhabo iyadoona sheegatay in dad badan loo xiray kiiskaasi.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa waxa uu sheegay in kiiska hada uu meel wanaagsan marayo  islamarkaasna ay ilaa iyo 6 qof u xireen kiiskaas

curuurtaan  oo tacadiyo badan lagu la kacay ayaa waxa dhalay xildhibaan hore oo ka tirsana barlamaanka dowladda kaasi oo lagu magacaabo aweys cabdulaahi iyadoona caruurta magacyadoodu ay kala ahaayeen cabdimuni aweys iyo aamina aweys ,waxaana dilkoodu uu ahaa mid hadal heyn badan dhaliyay

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa waxa uu sheegay in dadka ay qabteen ay iskugu jiraan 4 rag ah  iyo 2 dumar ah ,waxaana uu tilmaamy in dadkale oo la tuhunsayahayna ay ku raadjoogaan

madaxweynaha maamulka koonfur gallbeed ayaa maxkamadaha faray in ay deg degjiyaan oo sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabgabeeyo kiiska caruurta

Laba curuur oo aad ugu ayaa todobaad ka hor lagu gowracay duleedka magaalada beydhabo ,waxaana arintaasi ay aheyd mid si aad ah ay uga argagaxeen dadka ku dhaqan magaalada beydhabo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here