Wararka aan ka helayno gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in howlgalo balaaran oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada maamulada puntland iyo galmudug ay ka dhaceen gudaha magaalada gaalkacyo
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ujeedkoodu uu ahaa xaqiijinta amaanka magalada gaalkacyo oo Muddoyinkii dambe ay ka dhacyeen fallal amniga kasoo horjeeda
saraakiisha howlgaladaan hogaaminayay oo ka kala socday maamulada gulmudug iyo puntland ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaani ay ahaayeen kuwa qorsheysan oo ay kaga hortageen falal amnidaro oo ay soo maleegayeen dagaalamayaasha al-shabaab
Waxaana ay sheegeen in howlgalada ay sii wadi doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka magalaada gaalkacyo iyagoona xusay in labada maamul ay diyaar uyihiin in ay iska kaashadaan sugida amaanka
si gaar aha ciidamada howlgalka si wada jirka ah u fuliyay waxa la sheegay in ay ahaayeen ciidamada booliska galmudug iyo puntland
magaalada gaalkacyo ayaa maalmihii dambe ka dhacayay falal dil iyo qaraxyo iskugu jira oo ay geeysanayeen rag hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn iyo kuwa ka tirsan dagaalamayaash al-shabaab

