Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa ka hadlay xiisad saacadiihii lasoo dhaafay ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada muqdisho.
Xiisadaas oo ka dhalatay kadib markii ciidan farabadan oo watay taliyihii hore ciidanka booliska gobolka banaadir saadaq joon ay dhaqdhaqaayo ka sameeyeen qeybo ka mid ah caasimada ,iyadoona lagu sigtay in halkaasi uu dagaal ka qarxo
Gudoomiye ku xigeen amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir cali cabdi wardheere cali yare ayaa ka warbixiyay arbushaadii xalay ka dhacday muqdisho
Waxaana uu sheegay in ay xaliyeen xiisadiihadal hadalheynta ka dhalisay ay uga mahadcelinayaan madaxweynaha galmudug oo xil iska saaray arintaasi islamarkaasna xaliyay isagu
Gudoomiye cali yare ayaa tilmaamay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo doonaya in amniga ay ka sameeyaan fursad siyaasadeed isagoo dadkaasi kula dardaarmay in ay ka waantoobaan arinkaasi isaga oo xusay in siyaasada iyo amniga aan laisku dhexdarin maadaama uu amnigu uu qofkasta dan u yahay
Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa shacabka soomaaliyeed ugu laab qaboojiyay in aysan jirin wax dagaal ah iyo cabsi laga qabo
Waxaana uu shacabka iyo siyaasiyiinta ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo sidii nabada iyo hormarka jira ay usii socon lahayeen

