Dowladda Oo Markale ka Qeyb Galka shir Wadatashiga Ugu Baaqday Hogaamiyaasha Maamulada Ee Diidan

0

Xukuumada soomaliya ayaa waxa ay sheegtay in markale ay ugu baaqeyso madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka maqan shirka in ay yimaadaan shirka wada tashiaga madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada

Afhayeenka xukuumada soomaalia  maxamed  ibraahim macalimu ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyaasha ka maqan shirka ay ugu baaqayaan in ay kasoo qeyb galaan shirka looga hadlayo xaaladaha dalka

Waxa uu sheegay in loobaahanyahay in laga wada xaajoodo arimaha khilaafka doorashooyinka si taasi ay u dhacdana ay ugu baaqayaan  in ay shirka soo xaadiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

Afhayeenka Xukuumadda mudane. Maxamed Ibrahim Macalimow .

Muran iyo khilaaf xoogan ayaa mudooyinkii dambe hareeyay shirka watashiga arimaha doorashyinka

Waxaana la sheegay in laisku fahmi la,ayahay qaabka uu u furmayo shirkaasi

Madaxweynayasha dowlad goboleedyada jubbaland iyo puntland ayaa diiday ka qeyb galka shirkaas

Waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in loo cadeeyo ajendaha iyo qodobada looga hadlayo shirka iyadoo aan laisku fahmina aysan aqbaleyn in shirka ay ka qeyb galaan

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here