Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Yeelanaya Kulan Cabsi Badan Laga Muujiyay

0

Maanta oo arbaca waxa kulan xasaasi ah u balansan xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka faderaalka soomaaliya ,waxaana kulankaan laga muujiyay baqdin xoogan

Xildhibaanada golaha shacabka ay maanta yeelanayaan ayaa waxa ajendihiisa la sheegay in lagu daray qodobo cusub oo ay xildhibaanadu ka doodayaan

waxaana jirta in kulanka xildhibaanada golaha shacabka uu dhowr jeer baaqday kadib markii arbushaad iyo buuq farabadan uu hareeyay

ajendaha kulanka ayaa horay u ahaa
 cudurka Covid19 iyo U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha
 balse waxa la sheegay in lagu soo daray U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka
qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa maanta kulanka ganaax uga maqan ,waxaana la cabsi qabaa in kulanka ay yimaadaan xildhibaanada la ganaaxay oo ay ka dhalato isku dhac hubeysan
 sidookale xubnaha mucaaradka ayaa  cabsi qabo in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowladda oo waqtigoodu dhamaaday
xildhibanaada golaha shacabka ayaa kulankaan isniintii uu ka baaqday ,waxaana maanta uu yahay mid isha lagu wada hayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here