Dowladda Oo Ciidamo Farabadan Saakay Soo Dhigtay Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho

0

Ciidamo farabadan ayaa waxa saakay lagu arkayaa Wadooyinka waaweyn ee kuyaal muqdisho gaar ahaana kuwa gala madaxtooyada  villa soomaaliya

ciidamadaan oo la sheegay in ay yihiin kuwa booliis ah oo ka tirsan dowladda waxaana la sheegay in  lagu arkayay oo ay xireen wadooyinka gala madaxtooyada Halkaasi oo maanta la filayo in uu ka dhaco kulanka xildhibaanada golaha shacabka

wadooyinka ciidamada la dhiagay ,waxa ka mid ahaa isgooska dabka ,laamiaga ceel gaabta iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid tahay wadada xamarweyne ee dhinaca bacadlaha

Sababta ciidamadaan booliska ah dowladdu saakay ay usoo dhoobtay wadooyinka ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay cabsi laga qabo in isku dhac hubeysan uu ka dhasho 15 xildhibaan oo laga xanaaxay kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka

wali dowladdu kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee loo xiray wadooyinka oo dadka shacabka  ah ay dhibaato badan ku qabaan

wararka ayaana intaasi ku daraya in ciidamadaani hor ka leh ee lasoo dhoobay wadooyinka in ay baaritaano kala duwan ku sameenayeen gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here