Dowladda Oo Sheegtay Inay Dishay Madaxii Qaraxyada Al-shabaab Ee Shabeelaha Hoose

0

Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ay ku dileen madaxii qaraxyada al-shabaab ugu magacowna shabeelalaha hoose sida lagu sheegay warkasoo baxay warbaahinta dowladda.

Howlgaladaani oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ay kasameeyeen degaan hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka dowladda ay ka warheen in halkaasi ay ku suganyihiin xubno katirsan dagaalamayaasha al-shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidanka sidagaarka ah utababaran ee kumaandooska xoogga dalka danab ayaa waxaa la sheegay in si gaar ah looga sameeyeen howlgalka tuulada buulo xaaji oo hoostagta degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Waxaana la sheegay in ciidanka dowladdu ay baaritaano dheeraad ah kusameeyeen guud ahaan tuuladaasi buulo xaaji iyo nawaaxigeeda.
warkasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka Kumaandooska danab ay si fajigan gudaha ugu galay tuulada buulo xaaji islamarkaasna ay si toos ah u abaareen bartilmaamedkoodi gaarka ahaa

Waxaana ay sheegeen in ay kuguuleeysteen ujeedkii howlgalka oo ahaa inay kahortagaan dagaalamayaasha al-shabaab iyo waxyaabaha ay sameenayaan.

Dowladda ayaa sheegtay in Ismaciil jiis oo ahaa madaxii qarayada al-shabaab ee shabeelaha hoose ay dileeb iyo 10 xubnoo oo la tilmaamay in ay la joogeen sida ay ay usheegeen Saraakiisha Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee howlgalka hoggaamineeysay.

Waxaana ay sheegeen dowladdu in ay tuulada buulo xaaji ay kasaareen al-shabaab kuwaasi oo ay tilmaameen in ay dhibaato ku ahyeen shacabka.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaana ciidanka kumaandooska danab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay kubartilmaameedsanayaan saraakiisha iyo xubnaha ka tirsan al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here