Weerar Khasaara Nafeed Geystay Oo lala Beegsaday Ciidamo Ka tirsan Dowladda

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qasaare kala duwan dhaliyay oo saacadiihii aan soo dhaafnay ka dhacay degmada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Rag hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay weerar xoogan ku qaadeen ciidanka dowladda oo ku sugnaa gudaha degmada jowhar iyadoona la tilmaamay in si gaar ah weerarku uu uga dhacay koontaroolka buula sheikh ee magaalada jowhar.

Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen bar koontarool oo ciidanka dowladdu ku lahaayeen magaalada jowhar ee caasimada maamulka hirshabeele.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana lagu soo waramayaa in uu ka dhashay weerarkaani

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaani ,waxaana ay sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda

al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda intarneetka waxa ay ku sheegeen in weerarka ka dhacay jowhar ay ku dileen taliye ku xigeenkii ciidanka dowladda ee Buula Sheekh islamarkaasna ay dhaawacyo ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda iyo maamulka hirshabeele oo looga hadlayo weerarkaasi al-shabaab ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here