Ra’iisu wasaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa la filayaa in maanta uu markale kulan xasaasi ah uu la qaato xubnaha midowga musharaxiinta oo dhwaan ay heshiis hordhac ah gaareen .
Waxaana lasoo sheegayaa in kulankaan looga hadlidoono arimaha doorashooyinka dalka iyo sii loo dardargalin lahaa in dalka ay doorasho ka dhacdo si ugu dhaqsiyaha badan maadaama uu dhamaaday mudaxileedka madaxda dowladda ee haatan jirta.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in kulanku uu yahay mid daba socda kulankii dhawaan ay yeesheen midowga musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare rooble islamarkaasna lagu dhameystirayo waxyaabo qabyo ahaa oo ay qabbeen midowga mushraxiinta ayna ubaahanyihiin in laga qanciyo.
Ra’iisul Wasaare rooble ayaa waxa la sheegay in hada beesha caalamka iyo dhamaan saamileeyda siyaasadeed in ay ku cadaadinayaan in uu ka shaqeyo hirgalinta doorashada dalka ka dhaceysa iyo daadajinteeda madaama madaxweynaha uu khliaaf kala dhxeeyo siyaasyiinta xildoonka ah.
Dad badan oo u dhuunduleela siyaasada soomaaliya ayaa minsan in siyaasada dalka ay wax badan iska badaleen markii ay heshiis gaareen xukuumada iyo xubnaha midowga musharaxiinta islamarkaasna ay dagtay xaalada siyaasada soomaaliya oo kacsaneyd.
Maanta ayaana markale lagu wadadaa in labada dhnac ay kulmaan ayna kawada hadlaan xaalada kala guurka ah ee dalku ku jiro iyo sidii looga samata bixin lahaa .

