wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay soo sheegayaan in saakay ay hakad ku timid shaqadii ka socotay garoonka Aadan cadde
Warar kala duwan ayaa laga helayaa sababta rasmiga ah ee keentay in ay hakad gasho shaqada gadoonka diyaaradaha aadan cade ee magaalada muqdhso
waxaana lasoo sheegayaan in sababta ugu wey ay tahay in ay gadoodeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee ka qeyb qaata howlaha kasocda gudaha gadoonka diyaaradaha aadan cade
ciidankaan oo la sheegay in ay yihiin ciidanka booliska ee wata eeyaha boorsooyinka baaraya ayaa waxa la sheegay in ay sameeyeen shaqa jiijin sababtuna ay tahay in mushaar wax mushaar ah aan lasiin islamarkaasna ay sheegeen in aysan sii shaqeynkarin.
Dowladda gaar ahaana maamulka garoonka diyaaradaha aadan cadde wali wax war ah kama soo saarin arintaan la sheegay in saakay ay hakad galisay shaqada garoonka

