wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan maamulka galmudug ay howlgalo qorsheysan saacadii aan soo dhaafnay ka fuliyeen magalaada dhuusamareeb.
howlgaladaan laga saameeyay magaalada dhuusamreeb ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeen ciidamo iskugu jira booliis iyo nabad sugid ka tirsan maamulka puntland
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalada intii ay socdeen lagu soo qabqabtay dad faraban oo dhalinyaro u badnaa kuwaasi oo baaritaano kadib la sheegay in ciidanku ay fasaxayeen.
waxaana la arkayay ciidamada oo baaritaano kusameeyanaya dadka iyo gaadiidka kala duwan ee isticmaalla wadooyinka magaalada dhuusamreeb.
saraakiisha howlgaladaan hogaaminayay oo uu ku jiray taliyaha cusub ee ciidanka nabad sugida galmudug oo magacaabay Gaashaanlle Cabdishakuur Daahir Ducaalle iyo taliyaha saldhiga degmada dhuusamreeb gaashaanle Maxamed Mrire Maxamuud ayaa waxa sheegeen in howlgaladaani ay ahaayeen kuwa mudooyinkaani soo socday islamarkaasna uu ku dhawaaqay wasiirka amniga galmudug axmed maclin fiqi
waxaana ay intaasi ku dareen in howlgaladaani ay yihiin kuwa amniga lagu xaqiijinayo ayna sii wadidoonan inta amniaga laga xaqiijinayo
howlgaladaan ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili mudooyinkii dambe falal amni daro ay xiliyada qaar ka dhacayeen magaalada dhuusamreeb islamarkaasna mamulka galmudug uu sheegay in arintaasi ay ka hortagayaan iyagoona ku dhawaaqay howlgalo ka dhan ah dad ka amni xumada ka shaqeya ee ku sugan deegaanada maamulka galmudug.

