Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay dagaal xoogan oo qasaare kala duwan Geystay uu ka dhacay deegaanka yaaqbari weyne oo aan sidaasi uga fogeyn Saldhiga ciidamada mareeykanka balidoohle ee gobolka shabeelaha hoose .
Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayasha al-shabaab ay dagaal xoogan ku qaadeen maleeshiyaad macawisleey ah oo ku sugnaa deegaanka yaaqbari weyne .
Wali si dhab ah looma xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ah ee ka dhashay dagaalka balse wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare kale duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
wararka yaa intaasi ku daraya in gabi ahaanba xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka yaaqbari weyne.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay idaacada simba u xaqiijiyeen in al-shabaab ay weerareen saakay deeganka Yaaqbari weyne islamrkaasna ay ku dileen maleeshiyaad deegaanka halka dad qaar ee deegaanka yaaqbari weyne ay kusoo waramyaan in nin oday ah oo ka tirsanaa oday dhaqameed deegaanka yaaqbari weyne ay gowraceen xubno ka tirsanaa dagaalamyaasha al-shabaab.
Maleeshiyaaadkaan la weeraray ayaa waxa la sheegay in ay isbaaro utaalay deegaanka yaaqbari weyne islamarkaasna ay dadka ku dhibaateyn
Wixii Kusoo Kordha Halkaan Kala Soco

