Dowladda Oo Ka Hadshay Dagaal Saakay Ka Dhacay Deegaanka Yaaq Bari Weyne

0

Iyadoo Saakay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka yaaq bari ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa dagaal kaasi si kulal uga hadlay masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowlada faderaalka soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidmada dowladda oo hadlay idaacada simba ayaa waxa ay sheegeen in al-shabaab iyo macawisleey xaq u diriir ah ay isku hor fadhiyaan deegaanka yaaq bari weyne ee gobolka shabeelaha hoose

Saraalkiisha ayaa waxa ay  wacad ku mareen in ay qaadayaan guluf colaadeed islamerkaasna ay u gurmanayaan macawisleeyda xaq u diriirka ah ee ay soo weerareen dagaalamayaasha al-shabaab.

Waxaana ay saraakiishu xuseen in loo sheegay in  al-shabaab ay dad ku dileen deegaanka kuwa kalana ku gowraceen balse aysan wararkaasi hubin oo aysan uheyn cadeyn rasmi ah

sidookle saraakiishu waxa ay xuseen in loo sheegay in al-shabaab ay calamdooda surteen deegaanka yaaq bari weyne islamrkaasna ay Arintaasi Dagaal ugu Jawaabi doonaan.

Weerar  qasaare Geeystay ayaa saakay waxa la sheegay in al-shabaab ay ku qaadeen deeganka yaaq bari weyne oo ay ku sugnaayeen koox macawisleey ah ,waxaana la sheegay in Weerarkaasi al-shabaab ay Kula wareegeen Deegaanka Yaaq bari weyne oo aan ka Fugeyn Xerada ciidamada mareeykanka Ku leeyihiin gobolka shabeelaha hoose Ee balidoogle.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here