wararka aan ka helayno magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka hirshabeele oo ku sugnaa xaafad ka tirsan magaalada baladweyne xalay lagu qaaday weerar xoogan oo loo adeegsaday bamba gacmeed
wararkala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkaan waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaan uu sigaar ah uga xaafada buunda weyn oo kutaal gudaha magaalada baladweyne
waxaana la sheegay in weerarkaani uu yimid ka dib markii barkoontarool oo ciidamada maamulka hirshabeele ay ku lahaayeen halkaasi in rag hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen.
dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jug iyo rasaas farabadan oo xigtay balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay weerarkaani.
wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka bamka ah ee lagu qaaday ciidamada dowladda gaar ahaana kuwaa maamulka hirshabeele balse waxa la sheegay in xiliga uu weerarku dhacayay ay aad mashquul u aheyd halka uu weerarku ka dhacay islamrkaasna la aaminsanyahay in weerarkaan uu ka dhashay qasaare aan la ogeyn oo soo gaaray dadka shacabka ah ee marayay wadada hareeraheeda.
wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amaanka maamulka hirshabeele ay weerarka kadib bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan islamrkaasna lagu raadinayo ragii weerarkaasi ka dambeeyay.
dhankale waxa lasoo sheegayaan in goobta ay ka baxsadeen ragii hubeysanaa ee xalay weeraray ciidamada maamulka hirshabeele.

