Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay xalay dhagxaan waaweyn ku xireen isgooska dabka ee magaalada muqdisho ee caasiamda dalka, waxaana isgooskaan uu ka mid ahaa isgooysyada ugu mashquulka badan muqdisho ee aadka loo isticmaalo.
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in laamaha amniga dowladda ay xalay mar qura xireen wadadaani mihiimka ah mana jirto wax faahfaahin ah oo dowladdu ay ka bixisay xirida wadadaani
isgooska debka oo ay dowladdu xalay xirtay ayaa waxa laga xiray dhinaca wadada soo aada isgooska bakaara ka imaada degmada waabri
waxaana xiritaanka wadadaani walaac xoogan ka muujiyay qaar ka mid shacabka soomaaliyeed ee isticmaala wadada iyagoona sheegay in arintaani ay culus badan ku tahay.
sidookale xiritaanka wadadaani ayaa waxa ay kusoo aadeeysaa xili shalay gaari qarax waday uu ka baxsaday bar koontarool oo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen isgooska dabka ee magaalada muqdisho
waxaana gaarigaasi uu ku qarxay isgooska saydka ee islama magaalada muqdisho ee caasimada dalka
shacabka ku nool magalaada muqdisho ayaa markale wajahaya dhibaatooyinka ay ku qabaan xirnanshiyaha wadooyinka muqdisho iyadoo wali aysan jin in ay yaraadeen qaraxyada iyo dilaalka qorsheysan ee ka dhacay magaalada muqdisho

