Taliska ciidanka booliska soomaaliya ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dhacdo naxdin leh oo dhacay xaafada warlaliska ee degmada deyniile halkaasi oo rag hubeysan ay ku dileen laba haween ah halka laba kalana la dhawacay
waxaana la sheegay in haweenkaasi la dilay in laba ka mid ah ay ahaayeen walaalo sidooakana ay laba ay xaamilo ahaayeen
warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka booliska soomaliyeed ay baaritaan kuhayaan sida ay u dhacday dhacdo xanan badan oo xalay ka dhacday gudaha degmada deyniile
waxaana warka kasoo baxay dowladda lagu sheegay in la tuhunsahay in weerarkaan ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan al-shabaab
” Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen xubno la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalamyaasha al-shabaab.
Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa lagu yiri warkasoobaxay dowladda “

