Ra’iisul Wasaare Oo Amray Laamaha Amniga in Deg Deg Loo Furo Wadada Dabka

0

Raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaliya ayaa waxa uu amray laamaha amniga dowladda in si deg deg ah loo furo isgooska dabka ee magaalada muqdisho kaas oo ay xalay xireen laamaha amniga dowladda islamrkaasna ay qeyb kamid ah wadada ku jareen dhagxaan waawey

qoraal kooban oo uu raiisul wasaare soo dhigay bartiisa intarneetka waxa uu faray laamaha amniga  in la furo wadada oo uu raiisul wasaruhu sheegay in ay halbowle u tahay ganacsiga umada soomaaliyeed

” Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada. ”

tani waxa ay imaanaysa xili maanta ciriri aad u fara badan laga dareemay wadada oo qeyb ka mid ah kaliya lagu jaray dhagxaan waaweyn

waxaana sawiro wadada laga soo qaaday ay muujinayeen gaadiidkii oo meel uu kala maro la,a islamrkaasna ay dadku ku dhibanyhiin marida wadadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here