Warar dheerads ah ayaa kasoo baxaya nin darawal ah oo maanta lagu toogtay wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye gaar ahaana deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho.
Ciidamada dowladda gaar ahaana ciidamada booliska sida gaar ka ah utababaran ee haramcad ayaa waxaa ay barqanimadii maanta ay toogteen darwal wade ka ahaa gaari hoomey ah.
Waxaana lasheegay in gaari uu nin kaani waday uu si xoog ah kusoo dhaafay barkoontarool oo ciidanka dowladdu ku laheen halkaasi iyadoona lasheegay in ciidanku ay gaariga uga shakiyeen in uu qarax siday.
Sidookale wararku waxa ay sheegayaan in ninka darawalka ah lagu amray in gaariga uu istaajiyo balse uu ka dhaga adeegay,Intaasi kadib ciidamada booliska ayaa raasas huwiyay gaari waxaan ay toogteen darawalkii gaariga ka xeenayay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee kalinftay in gaarigu uu cararo balse la tilmaamay in gaariga uu nuuciisu ahaa hoomeey oo qudaar siday islamrkaasna ay saarnaayeen sadax qofood oo uu ku jiray marxuunka la dilay.
Dad joobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in labada qof ee darawalka gaari la saarnaa ay ahaayeen wiil iyo hooyadiis.
Majirto wax faahfaahin dheeriya oo laamaha amiga dowladdu ka bixiyeen ninka darawalka ah ee maanta ciidamada booliska haramcad ay ku toogteen meel u dhaw deegaanka seenka dheer .
Dilka darawalkaani ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili saacadiihii aanu soo dhaafnay ay soo baxayeen digniino la xariira Qatar dhanka amniga ah oo loo dirayay laamaha amniga taasi oo lagu sheegayo in gawaari qaraxyo wada ay ay ku jiraan dalka islamrkaasna loo baahanyahay in laga feejignaado.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada booliska dowladda gaari ka baxsaday oo ay eryanayaan uu ku qarxay isgooska sayidka ee magaalada muqdisho.
Sidookale xalay ayay ciidamada dowladdu degmada afgooye gobolka shabeelaha hoose ku qabteen gaari hoomey ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

