Ciidamada Jubbaland Oo Sameeyay Howlgalo Dad Lagu Soo Qabqabtay

0

ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta maamulka jubbaland ayaa waxa lagu soo waramayaa in howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose

howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay yimaadeen kadib markii mudooyinkii dambe ay kordheen falal amni daro iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada kismaayo oo xarun kumeel gaara u ah maamulka jubbaland islamarkaasna hada ah xurunta uu maamulku  ku shaqeyo .

maamulka degmada kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in iyaga oo ka jawaabaya arintaasi ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amniga islamrkaasna ay kaga hortagayaan amniga magaalada oo sii xumanaya mar marka ka dambeysa

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyasada maamulka  magaalada kismaayo Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka warbixiyay howlgaladaani ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamada mamaulka jubbaland ay wadaan howlgalo balaaran iyo baaritaano dhowr ah kuwaas oo ay ku baadigoobayaan dad xiliyada qaar magaalada kimaayo ka geeysta dilal qorsheysan.

gudoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in hada ay gacanta ku hayaan dad la tuhmayo islamarkaasna ay cadaalada horgeydoonaan kuwa kale oo maqana ay rajeynayaan in goordhaw ay gacanta kusoo dhigaan.

sidookale gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay u baahanyihiin in shacabka magaaladu ay garab istaagaan ciidamada daraawiishta jubbaland taasi ay fududeyn karto  in lasoo afjaro dad amnidarada ka wada gudaha magaalada kismaayo.

hadalka masuulkaan ka tirsan maamulka jubbaland ayaa waxa uu imaanaya xili saacadii lasoo dhaafay ay dilal qorsheysan iyo falal amni daro ay ka dhacayeen magaalada kismaayo balse maamulka jubbaland ayaa xusay in  arintaasi ay hada talaabo u qaadayaan islamrkaasna ay wadaan howlgalo iyo baaritaano amniga lagu sugayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here