Xeebaha Deegaanada Puntland Oo Howlgalo Laga Fuliyay

0

Ciudmada badda puntland ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen xeebaha dhaca deegaanada puntland

Howlgaldaan ayaa waxa la sheegay in ay ka ciidamada badda puntland ay ka fuliyey xeebaha deegaanada Buruc, Bacaad, Qandala, Dhurbo iyo Xaabo oo dhamaantoos ka tirsan gobolada Bari iyo Gardafuu.

Qoraal ka soo baxay maamulka puntland ayaa waxaa lagu sheegay in wlgalladan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanaayey Kalluumaysiga sharcidarada ah, burcad badeedda iyo waxyaabahaba mukhaadaraadka ah ee laga soo galinayo dhanka xeebaha puntland

Waxaana ay intaasi ku dareen in howlgaladaan loo sameeyay si waxyaabahasi looga hortago islamrkaasna loo xaqiijiyo amaanka xeebaha puntland

Qoraalka kasoo baxay maamulka puntland lagu ma sheegin wax dad ah oo lagu soo qabqabtay howlada ka dhacay deegaana ku yaal xeebaha puntland

Balse waxa lagu sheegay in ay ku rad joogan si sharcidaro ah kusoo galay xeebaha puntland islamarkaasna ka dameysta kaluumeysi sharcidaro ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here