wararnaga soo gaaraya gobolada jubooyinka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay ay duqeymo culus ka dheceen deegaano hooyimda degmda jilib ee gobolka jubbada dhexe
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay xalay ilaa iyo afar duqeymood ay ka fuliyeen degmada jilib islamrkaasna ay duqeymahaasi lasoo sheegayo in qaasre uu ka dhashay duqeymahasi warar kala duwana laga helayaa.
ilo deegaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa culus ee gantaalada ay ridayeen diyaaradaha dagaal balse aysan xaqiijin karin cida wadatay iyo qasaaraha ka dhashay .
saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in duqeymahani ay fuliyeen diyaaradaha ay duuliyaha laheyn ee mareykan islamrkaasna ay howlgalkaan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidmada dowladda iyo kuwa mareykanka.
waxaana ay intaasi ku dareen in duqeymaha lala beegsaday xarumo ay kusugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaasna ay qasaro ku gaarsiiyeen
wali majirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada mareykanka ee africom oo diyaaradohoodu la sheegay in xalay ay fuliyeen duqeymaha ka dhacay degmada jilib ee gobolka shabeelaha dhexe
sidookale majirto wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab oo looga hadlayo duqeymaha saacdihii ugu dambeeyay ka dhacay gobolka jubbada dhexe oo la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsanaa al-shabaab.

