warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qsaare kala duwan geeystay oo barqanimadii maanta ka dhacay meel u dhaw beerta qaadka islamrkaasna aan ka fogeyn darbiga jaamada umadda ee degmada hodan ee gobolkani banaadir
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miinada wadada dhinaceeda la dhigay,waxaana lala eegtay gaarwaari ay lasocdeen shaqaalo ka tirsan kuwa turkiga ee dhisaya wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye
warar aan ka helayno halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in qaraxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskgu jira dhimasho iyo dhaawac
inta la xaqiijiyay ilaa iyo hal qof oo shacb ah ayaa waxa la sheegay in uu ku dhintay qarax halka qof kalana uu ku dhaawacmay
wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxa lala damacsanaa laba gaari oo ay saarnaayeen shaqaale turki ah balse ay ka badbadeen
sidookale waxa la sheegay in gawaarida ay saarnayeen laba wiil oo soomaaliya ah kuwaasi oo iyaguna la sheegay in ay bad baaden
wali majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxani balse dhowr jeer oo hore dagaalamayaasha al-shabaab ayaa sidaan oo kala qaraxyo ula beegsday howla wadeenada dhisaya wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

