Axmed Xuseen oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Buula-Xubey Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa mobiladda dhaca, islamarkaana ay doonayeen in Mobilkiisa ay ka dhacaan wiilka dhalinyaradda ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu diiday dhiibista Mobilka, waxaana madaxa looga dhuftay xabad sidaasina uu ku dhintay.

Axmed Xuseen ayaa wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada waxbaratay ee dhawaan ka qalin jabisay mid ka mid Jaamacadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi uu ku waayay rajadii uu nolosha ka lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here