Faah-Faahino:-Amisom Oo Dad Shacab Ah Ku Leysay Magaalada Muqdisho

0

Faafaahino dheerad aha ayaa kasoo baxaya qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo ciidamo ka tirsan kuwa amisom lagu la eegtay xaafad ka tirsan degmada hiliwa ee gobolka banaadir.

Kadib Qaraxaasi ciidamada amisom lala eegtay waxaa xigay rasas xoogan oo ay fureen ciidamada amisom taasi oo wax yeelo kasoo gartay dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay wax yeelo kasoo gaartay kolanyadii ciidamada amisom islamarkaasna ay rasaas ooda ka rogeen qaraxa kadib.

Qof  goobjooga ah oo lahadlay simba ayaa sheegay  in ciidamada amisom ay dad shacab ah ku laayeen inta udhaxeysa  exkoontaroolka balcad iyo xayle bariise.

Waxaana uu sheegay qofkaan goobjoogaha ah in kadib markii ciidamada amisom lala eegtay qaraxaan miino ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah islamarkaana ay halkaasi ku dileen laba ruux oo shacab ah

Halka shankalena ay dhaawaceen oo ahaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada amisom ayaa Somalia ujooga nabad ilaalin waxaana inta badan qaraxyo lagula eegtaa marka ay kukala gooshayaan wadooyinka magalada muqdisho

Waxaana qaraxyadaasi kadib ciidamada amisom ay furan rasas taasi oo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here