Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Kulankan ayaa lagaga hadlayay Sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda Muqdisho ayaa kulamo la qaadanayay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

