Al-shabaab Oo Lawareegay Deeganka Cadakibir Ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaan ka tirsan Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaan lagu magacaabo Cadakibir o 60-KM dhinaca Bari ka xiga Magaalada Cadaado, iyagoona la sheegay in halkaas ay ka galeen dhowr jiho, ayna ku sugan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay arkayeen xubno ka tirsan  dagaalyahnada Al-shabaab iyo gaadiid nooca dgaalka  ah oo gudaha u soo galayay deegaanka Cadakibir, isla markaana mararka qaarkood la maqlayay dhawaq rasaas .

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay goob fagaare ah isugu keeneen dadweyne farabadan, ayna Khubad u jeediyeen, waxaana la tilmaamay in fariisimo ay ka sameeysteen deegaanka ayna haatan ku suganyihiin .

Wararka ayaa intaaasi  ku daraya in al shabaabkii halkasi la wareegay ay saacado ka dib isaga baxeen waa sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen warbaahinta.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan la-wareegida Al-shabaab ee deegaanka Cadakibir oo 60-KM u jira Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale maaamulka degmada cadaado oo idaacada simba la xariirty ayaa ka gaabsaday in ay ay wax faahfaahin ah ka bixiyan deegaankaasi la sheegay in ay gacan ku haynteeda la wareegeen deegaanka cada kibir oo dhinaca bari kaga beegan magaalada cadaado ee gobalka galguduud.

Inta badan ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee amisom ayaa qaraxyo iyo weeraro kala kulma dagaalyahanada al shabaaab  waxaana weeraradii u danbeeyay ay ka fuliyeen deegaanka aDhagaxleey oo qiyaastii 20 KM u Jirra deegaanka  Shabeelow ee Gobolka Mudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here