Maamulka galmudug ayaa shaaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaabayaan baaq ka soo yeeray dadka deegaanka bacaad weyn ee gobolka mudug kuwaasi oo maalmihii dambe Al shabab kula dagaalamayay daagaankaasi
Waxaana maamulku uu sheegay in ay ka warqaban dadkaasi degaanka islamarkasna ay gaarsiin doonan gurmad deg deg ah
Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka galmudug Axmed shire Falagle oo lahaday idaacada simba ee muqdisho ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka deeganka islamarkaasna ay ka jawaabayaan qaabyada kasoo yeeraya dadka degaanaka bacadweyn
Wasiir falagle ayaa dhankale ka warbixiyay kulamo dhanka amniga ahoo sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada dhuusamareeb ,Waxaana uu sheegay in kulamadaasi ay uga hadleen arimo kubsaabsan amniga iyo sidii loo xoojin lahaa
Wasiirka warfaafinta galmudug ayaana ugu dambeyn ku baaqay in halmeel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhan ah Alshabaab
Sacaacadii lasoo dhaafay dadka ku dhaqan degaanka bacdweyn iyo xubno ka tirsan dagaalamasha al shabaab ayaa ku dagaalamayay deegaankaasi iyo degaano kale oo dhaca gobolka mudug waxaana dadka deegaanku maamulka galmudug dalbadeen in garab laga siiyo dagaalkaasi
Waxaana wararku ay sheegyaan in dadka deeganka bacaadweyn iyo alshabaab ay wali iski horfadhigaan halkaasi

