Al-shabaab iyo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Burundi

0

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Dalka  Burundi ee qeybta ka ah Howlagalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee dhaca duleedka Degmada Cadalle ee Gobalka shabeellaha dhexe.

Warar ka laga helayo deegaanka xaaji Cali aya sheegaya in halkaasi uu  dagaal culus ku dhex-maray Al-shabaab  iyo ciidamada Dalka Burundi ee qeybta ka ah Ciidamada Amisom waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan sida lagu daabacay Warhaabinta Baraha Bulshada ee Al-shabaab tageerta.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaaqa rassaasta Qoryaha Fudud iyo Hoobiyaal lagu weerar  gudaha saldhigga Ciidamada Burundi , waxaana soo baxaya warar ku aadan khasaaraha halkaasi ka dhashay Al-shabaab ayaana Guulo ka sheegatay Weerarkaan oo ay Tilmaameen inay ku dileen tiro askar ah oo ku sugnaa Saldhiga Militariga Burundi ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Warka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu yiri “Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu gaarsiiyey Ciidamada Burundi  inta dagaalkaas uu Socday ka dib weerar lagu qaaday Saldhiga Deegaanka Xaaji Cali  inkastoo aysan sheegin tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.

Al-shabaab  ayaa dhowr jeer Weeraro gaadmo ah ku  qaaday saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadalle kuwaasi oo inta badan guulo ka kala sheegtay Dagaalada ka dhaca Gobalka shabeelaha dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here