Cabdi bare :-“Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waa kuwa u adeegaya Imaaraadka iyo Kenya

0

Iyadoo wali laga wada sugayo in uu qabsoomo shirka  lafilayo in uu magaalada muqdisho ku dhexmarayo dowlada faderalka ah iyo dowlad goboledyada jubaland iyo putland kaasi oo xalay baaqday balse laga dhursugayo in uu dhaco saacadaha soo aadan ayaa wali waxa la sheegayaa in madaxweynasha maamulada putland iyo jubaland ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in ajandaha shirkaan lagu daro qodobo cusub

Waxaana soo ifbaxay warar sheegaya in madaxweynayasha jubaland iyo putland ay dalbadeen in ajanadaha shirka lagu daro qodobo ay ka mid yihiin  ciidamada dowlada ay geeysay qeybo ka mid ah gobolka gedo iyo qodobo kale

Gudoomiyaha magaalada garbahaarey ee xarunta gobolka gedo Cabdi bare oo lahadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa ka hadlay sababta keentay in madaxweynasha putland iyo jubaland ay dalbadaan in ciidamada dowladu geeysay gobolka gedo laga soo saaro halkaaasi

Gudomiyaha ayaana sheegay in madaxweynaha jubaland ay arintaan cadaadis ku saarayso dowlada kenya oo dooneysa in danaheeda ay ka gaarto somalia islamarkaana ay doonayso in xuduudka ay ka dhisato darbi sidookale ay dooneyso in ay iska sii wada tacadiyada ay ugeystaan muwaadininta somaliyeed

Gudomiyaha ayaa Sidookale waxa uu sheegay in madaxweynaha putland isagana ay dabada ka riixayso dowlada imaaradka carabta oo iyaduna si lamid ah kenya dana gaar ah ka leh somalia

Dhankale gudoomiyaha cabdi bare oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in arintaasi ku sabsan ciidamada dowlada ee lageyay gobolka gedo aysan marnaba aqbali doonin in ay halkaasi kaso baxan

Waxaana uu madaxda dowlada uga digay in ay aqbalaan shuruudaha ay wataan madaxweynaha jubaland iyo kan putland oo ku sabsan in ciidamada dowlada iyo maamulka la geeyay gobolka gedo laga so qado halkaasi

madaxweynaha jfs iyo madaxweynasha putland iyo jubaland ayaa lagu wada in shir ay kuwada qaataan magaalada muqdisho ee caasimada dalka

Walow wararku qaar ay sheegayaan in madxweynasha dowlada goboledyadu dalbadeen in waqti lasiiyo iyo in ajandaha shirka qodobo kale oo dheeriya loogu daro

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here