Xiisad Siyaasadeed ka taagan Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle+Dhageyso

0

Xiisad Siyaasadeed ayaa ka taagan Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle oo la Filayo in dhawaan si rasmi ah loo bilaabo dhismaha Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Hirshabeelle sida lagu sheegay Warka soo baxay Madaxtooyada Maamulkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in si rasmi loo bilaabay Howlaha Dhismaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay gacanta ku hayeen Guddigii loo xilsaarayt ee dhawaan uu magacaabey Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,waxa ayna Tilmaameen si bedel weyn laga Dareemayo Magaalada Jowhar oo ay ku sii qulqulayaan Siyaasiyiin Xil-doon ah iyo Mas’uuliyiinka kala duwan oo ka qeybgalaya Doorashooyinka Maamulkaasi.

Xildhibaan aadan Cabdi Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Guddiga Madaxweynaha Hirshabeelle uu Magaacay ay wadaan Howlaha soo Xulida Ergada soo Xulaya Xildhibaanada Cusub, waxaa uuna sheegay inaysan aqoonsanayn Guddiyada kala duwan looga dhawaaqay Deegaanada Maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale soo Xulida Xildhibaanada ee ka socota Magalada Baladweyne Xarunta Gobalka Hiiraan.

Guddiga dhawaan looga dhawaaqay Magalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa shaaciyey inay si rasmi ah ay ubilaabeen soo xulida Ergada soo dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle arintaasi oo qeyb ka noqonaysa Caqabada ku xeeran Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle oo muddooyin kaan wajahayey kala aragti duwanaan ka dhexeysa Madaxda sare ee Dowlad Gobaleedka Hirashabbelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here