Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkcyo- Galmudug, qado sharaf ugu Sameyey wafdi Xildhibaano ah oo uu Hogaaminayey Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamanka Puntland, Abdicasiis Abdullahi Cisman.
Kulankaanay sameyeen Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug ayaa ahaa isbarashada Xildhibaanada Dowladaha Galmudug iyo Puntalnd, iyo sidii labada Baarlamanka ee Galmudug iyo Puntland isaga kaashan lahaayen nabadda iyo Xasiloonidda deegaanka.
Sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Galmudug ka socday ayaa Puntland Cudur daar ka siiyay dib udhaca ku yimid furitaanka Kal-fadhiga 2-aad ee Barlamanka Galmudug oo ay aheyd in 10-bishan uu ka Furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, Islamarkaana lagu Casumey Gudomiye Koowaad ee Barlamanka Puntalnd.

